By: Mastar //  Dec 10 2012 at 8:46 pm //  1,907 Reads  // Wararka Somalia

Haweeney laaluush siisay Amiir Al Shabaab ka tirsan oo xukun lagu fuliyay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Khadra Barre ayaa waxay weji gubax ay kala kulantay Amiir ka tirsan Al Shabaab, kadib markii ay isku dayday inay siiso lacag laaluush ah, oo Amiirka ka careysiisay.

Khadra Barre oo ka mid ah ganacsatada sida hoose Qaaadka ku keena Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa gaari u sida Qaadkeeda gacanta ku dhigay Ciidamada Ammaanka ee Al Shabaab.

Haweeneydaan oo looga yeeray Saldhiga Degmada Baardheere, ayaa waxay lacag dhan konton dollar, ay si hoose ugu dhiibtay Amiirka Saldhiga Degmada Baardheere Sheekh Muuse C/Laahi, oo ay isu heyb yihiin, si uu markaasi uu ugu badbaadiyo Qaadkeeda.

Amiirka Saldhiga Degmada Baardheere Sheekh Muuse C/Laahi ayaa wuxuu Maxkamada Garsoorka ee Degmada Baardheere uu ku dacweeyay wixii ay haweeneydaan ku kacday.

Maxkamada ayaa waxay amartay inaan haweeneydaan loo celin lacagta, isla-markaana waxay ku xukuntay 10 karbaash oo jeedal ah, waxaana galabta xukunkaasi lagula fuliyay fagaare Degmada Baardheere ku yaala.

Fagaare ku yaala Degmada Baardheere oo ay soo buuxiyeen boqolaal ka mid ah shacabka reer Baardheere, ayaa waxaa lagu karbaashay Khadra Barre iyo seddex nin oo kale oo lagu soo kala qabtay Tubaako iyo Sigaar.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments