Xildhibaan Yuusuf Xasan oo caawa dil ka badbaaday iyo dhaawac soo gaaray
Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa wuxuu caawa ka badbaaday weerar qorsheysan oo lagu doonaayay in lagu dilo, iyadoo taasi bedelkeeda uu dhaawacmay.
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kenya, ayaa wuxuu caawa uu ku dhaawacmay walxaha qarxa, oo lagu doonaayay in lagu qaarajiyo, xilli uu u soo baxay banaanka hore ee Masaajidka Al Hidaaya.
Salaaddii Maqrib ee caawa ayaa waxaa Masaajidkaan khudbad dheer ka jeediyay Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo ah Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kama Kunji, oo ay ka tirsan tahay Xaafada Islii.
Xildhibaanka ayaa wuxuu ka dhaawacmay dhinaca lugaha, waxaana la sheegay in dhaawaciisu uu yahay mid fudud, inkastoo khatar laga muujinaayo in uu dhiig baxay.
Qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 nin oo dhalinyaro oo Soomaali ah, kuwaa oo iyagu Xaruumaha Caafimaadka ee Magaalada Nairobi ugu geeriyooday, dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxaan.
Qaraxaan ayaa waxaa lala eegtay xilli dadkaan ay ka soo baxeyn Salaaddii Cishaha, waxaana si gaar ah loola eegtay markii ay dibadda u soo wada baxeyn dadku, uuna la taagnaa Xildhibaan Yuusuf Xasan.
|
|


Print
