By: Mastar //  Dec 07 2012 at 9:20 pm //  1,340 Reads  // Wararka Somalia

WAR DEG DEG: Qarax khasaaro badan geystay oo ka dhacay Masaajidka Al Hidaaya ee Magaalada Nairobi

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Qarax khasaaro badan geystay ayaa wuxuu ka dhacay Masaajidka Al Hidaaya ee Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi, iyadoo ay qaraxaan wax yeelo ka soo gaareyn dad badan oo Masaajidka ku soo tukaday.

Xilli dadka ay Salaadda Cishaha ku soo wada tukadeen Masaajidka Al Hidaaya, ayaa waxay bilaabeen inay banaanka u soo baxaan, hase ahaatee aafafka hore ee Masaajidka ee baabuurta la dhigto, ayaa waxaa laga maqlay jug xoogan.

Qaraxaan oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 8 qof oo Soomaali ah, oo dhamaantood ku soo wada tukaday Masaajidka Al Hidaaya ee Xaafada Islii.

Waxaa goobtaasi ka dhacday kala yaac xoogan oo ay sameeyeen dadkii Masaajidkaasi ku soo tukaday, iyagoo dhamaantood u wada cararay guryahooda, isla-markaana waxaa goobtaasi ka dhacay isbuur xoogan.

Dadkii dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Caafimaadka ee ku yaala Magaalada Nairobi, si wax looga qabto xaaladooda caafimaadeed, oo ay qaarkood caawa halis ku jirto.

Masaajidkaan ayaa waxaa caawa khudbad ka jeediyay Yuusuf Xasan, oo ah Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kama Kuji, waxaana loo maleynayaa in isaga qaraxaan lagu soo weeraray.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments