Rasaas dambe oo laga maqlo Magaalada Dhuusa Mareeb oo la joojiyay
Maamulka Ahlu Sunna wal-Jamaaca ee gobollada dhexe ayaa magaalada Dhuusamarreeb ka mamnuucay in rasaas si sharci darro ah looga dhex rido magaalada iyo in hub lagu dhex qaato.
Taliyaha ammaanka Dhuusamarreeb Faxaan Macallin Cali oo la hadlay Saxaafada, ayaa sheegay in aan la aqbali karin in rasaas sharci darro ah laga dhex maqlo magaalada, qofkii lagu qabtana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Sidoo kale Farxaan Macallin waxa uu sheegay in askarigii isagoo qori ku dhex sita magaalada la arko lagala wareegi dooni, dibna aan loogu celin doonin.
Wuxuu xusay in la diiwaan-gelin doono hubka ay haystaan ilaalada hay’adaha, dadka shacabka ahna lagala wareegi dooni haddii hub lagu arko.
Taliyaha waxa uu sheegay in tallaabooyinkaas looga golleeyahay in kor loogu qaado ammaanka degmada Dhuusamarreeb, lana dhaqan-gelin doono dhowaan.
|
|


Print
