By: Mastar //  Dec 07 2012 at 3:27 pm //  1,022 Reads  // Wararka Somalia

Nin duq ah oo lagu helay Degmada Ceelbuur “Yaa dilay”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Ciidamada Al Shabaab ee Madax Jabiska loo yaqaano ayaa waxay nin oday ah ay ku toogteen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, oo ay si buuxda leh ay gacanta ugu heyso Al Shabaab.

Dilka odaygaan ku sugnaa Magaalada gudaheeda ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii kooxo hubaysan ay toogteen xilli uu ku sugnaa gudaha Magaalada.

Ilaa hada lama garanayo sababta ka dambeysa dilka loo geestay Oday dhaqameedkaan ku sugnaa Magaalada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.

Maamulka Al-Shabaab ee Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo kasoo saaray dilka loo geestay oday dhaqameedkaan ku sugnaa Magaalada Ceelbuur.

Ceelbuur ayaa waxaa maamula Ururka Al-Shabaab weeyna adag tahay in kooxo hubaysan ay Magaaladaasi ku dilaan qof ku sugan gudaha Magaalada.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments