Qarax khasaaro geystay oo goor dhaw ka dhacay Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho
Waxaa soo badanaaya qaraxyada khasaaraha geysanaaya ee ka dhacaaya Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyada ay joogto ka noqdeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Qarax loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa waxaa caawa lagu weeraray Ciidamada Dowladda Soomaaliya, xilli ay marayeen Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho.
Isgoyska Baar Ubax oo ku yaala Degmada Hawl Wadaag ayaa waxaa qaraxa kadib laga maqlay rasaas xoogan, oo ay fureyn Ciidamadii Dowladda ee qaraxan lagu soo weeraray.
Laba ka mid ah Ciidamada Dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaan, iyadoo uu ku geeriyooday wiil yar oo wadada dhinaceeda maraayay, kaasoo la sheegay inay qoyskiisa wax uga soo dirsadeen Suuqa Baar Ubax.
Ciidamada Dowladda majirto cid ay qaraxaasi u soo qab qabteen oo la rumeysan yahay inay ku soo weerareyn laba nin oo dhalinyaro ah, oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Xaalada Isgoyska Baar Ubax ayaa waxay markii dambe ay ku soo laabatay mid caadi ah, balse waxaa yaraaday dhaq dhaqaaqii gawaarida ee Isgoyska Baar Ubax.
|
|


Print
