By: Riwaan Haji //  Dec 06 2012 at 2:11 pm //  1,858 Reads  // Wararka Caalamka

Q1aad 55 Waxyaabood Oo Xaaskaada Aay Rabto Weliba Si Lagama Maarmaan Ah.

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa jiro waxyaabo badan oo dumarku u baahan in lagula dhaqmo waxyaabahaasioo ah kuwo muhiim u ah nolosha qoyska.

Hadaba ninyahoow weli ma isku xilsaartay inaad xaaskaaga ka ogaato waxyaabaha iyo dhaqamada aay jeceshahay inaad kula noolaato.

In leys dabeecad fahmaa waa mida guurka u horseedo guul iyo farxad aan kala go laheyn.
Hadaba baro 55 qodob oo shabakada Markacadey kuusoo gudbin doonto kuwaasoo lagama maarmaan u ah inaan kula dhaqanto xaaskaagaaa, qeyb walbana waxaan siin doonaaa jadwal u gaar ah…

La dhaqanka xaaskaaga:
1. Ku dadaal raaxadeeda si walboo xaalkaagu yahay.
2. Marna si toosa ha oga hadlin ceebta labiskeeda iyo cuntaday karisay.
3. Mar walba oo waqti soo wareegaba hadiyad u soo gad. Waxa aad isku daydaa inaad u dooqdo noocyo kala duwan ood hadiyadda ku siiso.
4. Ha noqon mid dabeecad adag xaaskiisa kula dhaqma.
5. Hadday jiraan waxyaalo ay xiisayso kuna fiicantahay ku boorri ra’ayigaagana ku biiri, kala qayb qaado, hana oran (Ma aqaan kumana fiicni wax kariska iyo sida wax loo tolo) iyo waxyaalaha la midka ah.
6. La soco xaalkeeda gaar ahahaan markay ku jirto xaydka, uurka iyo nifaaska (dhiiga dhalmada).
7. Markaad soo gasho guriga haka fakarin shaqadaada ee waxaad kala sheekaysataa waxyaalahay xiisaynayso iyo maanta waxay la kulantay intaad ka maqnayd.
8. Waxaad ugu yeertaa magacyo jacayl ku laran.
9. Dhunko markaad guriga soo gasho iyo markay dartaa isku xilqaanto howlna kuu gasho.
10. Waxaad ku boorisaa inay ka qayb qaadato duruusta diiniga ah.
11. Waxaad ku kadin inaad u fuliso dalabaad aay horay kaaga codsatay balse kugu cuslaaday ama aad diiday.
12. Ku boori waxyaabaha wanaagsan ineey ka akhrisato Markacadey, kana tagto waxyaabaha xun ee sida qaladka ah kusoo gudbay.

Quruxda:
13. Inaad erayo qurxoon isticmaashaa markaad u yeerto iyo markaad la sheekaysanayo, hana ula dhaqmin sidii booyaaso aad amarro siiso
14. Inaad labis qurxoon darteed u qaato.
15. Inaad u gabydo ama u heesto.
16. Inaan la ciyaarto kana qosliso.
17. Inaad ku amatno quruxdeeda markay isku kaa qurxiso amaanteedana ku xeel dheeraato.
18. Inaad ku amaato carafteeda iyo say sariirta u gogoshay, dharka u hagaajisay iyo wax walbooy gacanta saartayba.
Lasoco Barnaamijkaan Qeybihiisa Danbe oo muhiim u ah dhamaan raga saaran xilka qoyska…


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments