Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo kulan la qaatay hogaanka sare ee Amisom (Aqriso)
Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa wuxuu kulan ballaaran uu la qaatay Taliyaha Guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom General Andrew Gutti.
Kulankaan ayaa wuxuu ka dhacay Xafiiska Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ku taala Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna xalay uu Taliyaha Amisom uu kala hadlay laba qoddobo oo kala ah, adkeynta ammaanka Magaalada Muqdisho iyo xoojinta xiriirka u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Amisom.
Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Taliyaha Amisom uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho, isagoona mid lagama maarmaan ah ku sheegay in ammaanka la adkeeyo.
Sidoo kale Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu xusay in loo baahan yahay in laga hortaggo falalka ammaan daro ee ka dhacaaya Magaalada Muqdisho, iyadoo xilliyadii ugu dambeysay dilal iyo qaraxyaba ay ka dhacayeen Caasimada.
General Andrew Gutti oo soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray Raa’isal Wasaare Saacid, ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay inay ka shaqeyn doonaan adkeynta ammaanka Magaalada Muqdisho.
|
|


Print
