WAR DEG DEG: Qarax khasaaro badan geystay oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha
Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa goor dhaw ka dhacay qarax khasaaro badan ka soo gaaray dad shacab ah, kaasoo loola jeeday in wax yeelo loogu geysto Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Qaraxaan oo loo adeegaday bambada nooca cusub ayaa waxaa lagu weeraray askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya, oo mareysay Suuqa Dahabka ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaan oo aan wax yeelo ka soo gaarin Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay wax yeelo ka soo gaartay ilaa 10 ruux oo shacab ah, oo ku sugnaa goobtii ay marayeen Ciidamada Dowladda Somaliya.
Qaraxaan oo sameeyay sawaxan xoog badan ayaa waxay dareen cabsi badan ay ku dhalisay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, taasoo sababtay in Ciidamada Dowladda ay furaan rasaas xoogan.
Hawl galo xoogan ayaa waxay iminka ka soconayaan qeybta dahabka ee Suuqa Bakaaraha, waxaana ka wada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida.
Hawl galadaan ayaa waxay ku soo qab qabteen ilaa 50 nin oo dhalinyaro u badan, iyagoo qab qabanaaya dhamaanba ragga goobtaasi ka ag dhaw.
|
|


Print
