Dowladda Somaliya oo shaaca ka qaaday goobihii laga soo tuuray madaafiicdii Madaxtooyada lagu soo weeraray
Dadaalo badan oo la sameeyay ayaa waxay Taliska Booliska ay ku ogaadeen madaafiicdii hal habeen kahor lagu soo weeraray Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya General Axmed Xasan Maalin, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday goobihii madaafiicdaan laga soo tuuray.
Wuxuu sheegay in madaafiicdaan laga soo tuuray Xaafada Gubta ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, oo uu sheegay inay ka soo tuureyn rag ka tirsan waxa uu ugu yeeray nabadiidka.
Hawl galo ballaaran oo ay sameeyeen Arbacadii shalay ilaa xalay ayaa wuxuu sheegay inay ku ogaadeen, in madaafiicdaan laga soo tuuray Xaafada Gubta ee Degmada Dayniile.
General Axmed Xasan Maalin ayaa wuxuu sheegay in madaafiicdaan ay ka dambeysay Al Shabaab, sida ay iyaduba ku sheegtay Warbaahinta afkeeda ku hadasha.
Mudane Axmed Xasan Maalin ayaa wuxuu balan qaaday inay gacanta ku soo dhiggi doonaan raggaasi, oo uu sheegay inay Maxkamad soo taaggi doonaan, si buu yiri Sharciga loogu qaado.
|
|


Print
