By: Mastar //  Dec 06 2012 at 11:14 am //  965 Reads  // Wararka Somalia

Madaxii Hay’adda FAO oo u gacan galay kooxo hubeysan

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Rag hubeysan ayaa waxay afduubteen oo ay qafaasheen Madaxii Hay’adda FAO Idiris Cabdi, iyadoo ilaa iyo iminka aysan ka hadlin Saraakiisha Dowladda Soomaaliya.

Idiris Cabdi ayaa wuxuu Hay’adda FAO uu u qaabilsanaa Gobolada Baay yo Bakool, wuxuuna ahaa Madaxii Hay’adda FAO ee Gobolada Baay iyo Bakool.

Raggaan ayaa waxay xalay ugu dhaceen gurigiisa oo ku yaala Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, waxaana la sheegay inaan la aqoon halka ay ula dhaqaaqeen.

Wararka soo baxaaya ayaa waxay sheegayaan in ragga qafaashay ay wateen Dareyska Ciidamada Dowladda Soomaaliya, isla-markaana ma cadda in raggaasi ay Dowladda ka tirsan yihiin iyo in kale.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Baay ayaan ka hadlin afduubka lagula kacay Madaxii Hay’adda FAO ee Gobolada Baay iyo Bakool, oo xalay laga afduubtay hoygiisa oo ku yaala Magaalada Baydhabo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments