By: Mastar //  Dec 06 2012 at 11:04 am //  1,288 Reads  // Wararka Somalia

Haweeney kale oo lagu toogtay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa wax laga yaq yaqsado Magaalada Muqdisho xilligaan ka noqotay dilalka qaabka daran leh ee Magaalada Muqdisho loogu geysanaayo dumarka reer Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ay ku toogteen oo ay ku dileen qof dumar ah, oo ay ku amreyn inay xoog uga furtaan dahab ay xirneyd iyo Moobeel “Mobile” ay wadatay.

Gabadhaan ayaa waxay isku dhajisay moobeelkii iyo dahabkii ay xirneyd, balse taasi ayaa waxay keentay in mid ka mid ah Ciidamada Dowladda oo ku dhuftay dhawr xabadood oo nooca baaska loo yaqaano ah.

Waxay ka furteen dahabkii iyo moobeelkii ay wadatay, iyagoona si xarako leh uga tegay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, oo ay si arxandaro leh ay ugu toogteen haweeneydaan.

Maamulka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dilkaan oo xalay uun ka dhacay Degmada Kaxda, oo dhawaan ku soo biirtay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Si kastaba ha-ahaatee habeen kahor ayaa sidoo kale qof dumar ah lagu dilay Degmada Dayniile, taasoo la sheegay inay toogteen niman bistoolado ku hubeysan oo kooxda Al Shabaab ka tirsan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments


Facebook