By: Mastar //  Dec 06 2012 at 10:55 am //  983 Reads  // Wararka Somalia

Al Shabaab oo sheegtay inay wacdaro casri ah ay ku dhigtay Ciidamada Puntland

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Al Shabaab oo muddooyinkii ugu dambeysay ku goodineysay inay xoojin doonto dagaalada ay kula jirto Ciidamada Maamulka Puntland, ayaa waxay xilligaan bilowday inay weeraro culus qaado.

Hal habeen kahor ayay Xoogaga Shabaab weerar saf ballaaran leh ay ku soo qaadeen Ciidamada Maamulka Puntland ee daafacyada kaga jira Deegaanka Galgala, oo horey looga saaray Ururka Al Shabaab.

Gurmad u soo socday Ciidamada Puntland ayaa waxaa hadana qarax miino loogu dhigay inta u dhaxeyso Galgala iyo Boosaaso, waxaana ka dhashay khasaaro buuran oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu maanta sheegay inay jab iyo halaagba ay u geysteen Ciidamada Maamulka Puntland, isagoo intaasi ku dray inay ku dhigeen wacdaro casri ah.

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Puntland ay filan-waa ku noqotay in weeraro sidaan u xoogan ay kaga soo qaadaan Deegaanka Galgala, oo uu sheegay in Ciidamad Puntland ay u heystaan inay ammaankiisa suggeen.

Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu sheegay in Shareecada Islaamnka ay ka dhaqan gelinayaan Deegaanada Puntland, maadaama uu sheegay inuusan xilligaan Maamulka Puntland la dooneyn in Shareecada Islaamka leeskugu xukumo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments