Rag hubeysan oo toogtay seddex ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda
Kooxo hubeysan ayaa waxay toogteen seddex ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda, iyadoo dilalkooda u adeegsaday qoryaha nooca daran dooriga u dhaca.
Raggaan ayaa waxay seddexdaan ruux ay ku dileen Degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxayna qof walba ay ku dhufteen dhawr xabadood oo sababtay inay u wada geeriyoodaan.
Dilalkaan oo la xiriira aanooyin dhinaca qabiilka ah ayaa waxay raggii weerarkaan geystay ay isaga baxsadeen goobtii ay seddexdaan ruux ku dileen.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in ragga dilkaan geystay xalay wax yeelo loogu geystay dad ay qaraabo yihiin Degmada Bacaadweyn, taasoo keentay inay si’aad ah ay uga caroodaan.
Weeraro hor leh ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ka dhacaan Degmada Bacaadweyn, iyadoo ay isugu hub uruursanayaan labada beelood ee halkaasi xilligaan isku haaya.
|
|


Print
