By: Jacfaryare //  Dec 06 2012 at 8:42 am //  1,395 Reads  // Wararka Caalamka

Sababaha keena is faham la`aanta lamaanaha

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Jaceylka waxaad Moodaa in inta badan uu ku dhamaado is faham daro ka timaad Lamaanaha dhexdooda kuwaasoon ku macneeyey Jaceylkii Jabkiisu Badnaa..

Muhiim ma’aha inaad Lamaankaag ku dooratid Qurux , Ama Lacag kuwaasoo sahal ku dhamaan kara hadafkaagana ka dhigi kara mid dhaqsi dhicisooba.

Jaceylka Maanta waa mid ku dhisan Qodobadaan Hoos ku xusan :

-) Xiiso : Waa hubaal inaad aragto xiiso aan xiska jirin kaasoo uun ku eg afka lamaanka , waxaa suura gal ah inaad adiguba mararka qaar iska dheh aad ugu dhahdo Lamaankaaga taasina sababtaa inaad beri aaminto in Xiisahaan yahay kii aad shalay afka uun ka dhahaysay.

-) Love You : Inta badan Lamaanaha Haasawa wadaaga ahi waa kuwa Habeen labaadka adeegsada Ereyga Love you oon marnaba Laabta jirin .

-) Dhoola cadeys: Lamaanuhu waqtiga ay wada sheekeysanayaan waa kuwa inta badan kusoo jiita dhigiisa dhoola cadeys aan dhab eheen kaasoo ugu danbeyn la helo Dabeecada rasmiga.

-) Qaali : Ruuxa oo kaa dhiga mid aad agtiisa qaali tahay kaasoodan qalbigiisa qaali ku eheen marnaba Jaceylkaasi ma noqdo mid Laga sii sheekeeyo.

Inta badan Lamaanuhu waa kuwa Aamin la’aanta iyaga iska bilaabo , waa kuwa iyagu aamina in aysan qofkani daacad ula socon berina iska dhaadhiciya in ruuxaani yahay qof lamid ah shalay dabeecadii aad adigu lahyd .

Waxaase Bartaasi ka baxay Aaminaada , marka aad Lamaanaha la sheekeysato wuxuu ku leeyahay calafka unbaan iska sugayaa maahane Jaceyl dhab ah ma jiro waxaana taasi sababtay isaga oo aan marnaba qalbigiisa ka dhaadhicin jaceyl dhab ah ama Horay ugu Guul dareestay Jaceylkiisii hore.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments