By: Riwaan Haji //  Dec 05 2012 at 1:47 pm //  2,200 Reads  // Wararka Caalamka

Daawo Arooska adduunka ugu yaabka badan. Nin si qasab ah loogu aroosiyay gabar uusan rabin. Daawo Video

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Qisadan ayaa ka dhacday dalka India waxaana ninkani uu sheegay inuusan dooneyn inuu guursado gabar ama haweeney loosoo bandhigay balse reerkiisa ayaa ka biyo diiday arrinkaas ayagoo si xoog ah kusoo qabtay , asigoo barooranayo isla markaana si dirqi ah loogu aroosiyay.

Haweeneyda aroosadda ah ayaa waxaa ka muuqatay farxad iyo reyn reyn halka ninka la aroosinayay uu oohin dhulka iskula tumay asigoo baxsay dhowr mar balse aysan u suurto galin ayadoo dadka xaafada ay soo qabteen islamarkaasina jidka dhexdiisa lagula daray ama lagula mehriyay iyadoo ninkaasi gacamaha laga haayo.

Dadka arrinakaani joogay ayaa la yaabay ayagoo isweydiiyay sida ay isku noolaan doonaan ama ay u wada dhaqmi doonaan maadaama ninkaan la afduubay ama si khasab ahi lagula daray xaaskan , oo iyada u muuqatay mid ku faraxsan in ay hesho nin ka cararayay.

Ninkaan baroortay ama diiday arooska ayaa la ogeyn sababta balse waxey dadkiisa ku qasbeen inuu aqbalo am aguursado ayagoo xataa garaacay ama weeraray markii uu isku dayay inuu baxsado.

Daawo Arooska Qasabka ah.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments