Dowladda oo ka hadashay weeraradii lagu soo qaaday Madaxtooyada Soomaaliya
Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ka hadleen weeraradii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, ee lagu qaaday Qasriga Madaxtooyda ee Villa Somalia.
Gudoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir C/Laahi Xersi Wardheere (Istakiin), oo shir jaraa’id ku qabtay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu faah faahin uu ka bixiyay duqeymahaan.
Wuxuu sheegay in duqeymahaan loola dan lahaa Madaxtooyada Soomaaliya oo ay deggan yihiin Maaxda Soomaaliya, inkastoo uu xalay ka maqnaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Balse wuxuu sheegay in madaafiicdaan ay wax yeelo ka soo gaareyn dad shacab oo masaakiin ah, oo uu sheegay inaysan shaqo iyo shuqul ku laheyn waxa ka soconaaya Caasimada.
Saraakiisha Dowladda iyo Amisom ayaa wuxuu sheegay in looga baahan yahay inay soo cadeeyaan halkii madaafiicdaan laga soo tuuray iyo weliba goobihii ay soo mareyn kooxdii madaafiicdaan ka dambeysay.
Istakiin ayaa wuxuu sheegay inaan la aqbali karin duqeymaha noocaanoo kala ah inay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, oo uu sheegay in muddo sanad kahor laga saaray Ururka Al Shabaab.
|
|


Print
