By: Mastar //  Dec 05 2012 at 1:37 pm //  1,007 Reads  // Wararka Somalia

Askar badan oo Puntland ah oo maanta la laayay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa maanta la laayay askar badan oo ka tirsan Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland, oo uu hogaamiyo Madaxweyne C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).

Gawaari badan oo ay la socdeen Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxaa qarax miino maanta lagula eegtay Gobolka Bari, gaar ahaan wadada xiriirisa Magaalada Boosaaso iyo Deegaanka Buuraleyda Galgala.

Qaraxa oo u muuqday mid laba xabo ah oo welibana ah nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo, ayaa wuxuu qabsaday ilaa laba gaari oo nooca dagaalada ah, oo ay la socdeen Ciidamada Maamulka Puntland.

Wararka ayaa waxay sheegayaan inay geeriyoodeen ilaa 10 ka mid ah Ciidamada Maamulka Puntland, halka ay dhaawacyo soo gaareyn tiro kaloo intaasi ka badan.

Dhaawacyada askartaan oo la keenay Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa xilligaan lagu daaweynayaa halkaasi, iyadoo wax looga qabanaayo xaaladooda caafimaadeed.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Saraakiisha Maamulka Gobolka Bari oo ku aadan askarta badan ee maanta lagu laayay wadada u dhaxeyso Magaalada Boosaaso iyo Deegaanka Galgala.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments