By: Riwaan Haji //  Nov 28 2012 at 4:50 pm //  3,416 Reads  // Fanka iyo Suugaanta

Fanaaniint​a Waqooyiga America oo si’aan caadi ahayn u galbiyay Fanaanada Farxiya Kabayare “Daawo Video”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Fanaaniinta muddooyinkii ugu dambeysay ka soo dhex muuqday shaashadaha Soomaaliya ee ku dhaqan Waqooyiga America, ayaa waxay si’aan caadi ahayn ay u galbiyeen Fanaanada codka macaan ee Farxiya Kabayare.

Fanaaniinta Waqooyiga America ku dhaqan ayaa waxay heeso cusub oo muuqaalo qurxoon loo sameeyay, ay ku galbiyeen fanaanada codka halaasiga leh ee Farxiya Kabayare, xilli uu dhacaayay guurkeeda.

Fanaaniinta Hodan C/Raxman iyo Axmed Raasta ayaa waxay ahaayeen kuwo soo bandhigay, heestii ugu quruxda badneyd marka loo eego dhamaanba heesihii laga qaaday arooskii Farxiya Kabayare.

Farxiya Kabayare oo cajiib ku ah qosolka dhoola cadeynta, ayaa iyadoo sida looga bartay dhoola cadaynaysa aadna u labisan waxana halmar lagu soo dhaweyay sacab iyo fanaaniinta oo hal mar u wada istaagay ,Intaas kadib Kabayare waxay ku fadhiisatay Kursi aad u qurux badan oo goobta lagu diyariyay .

Fananada Farxiyo Kabayare ayaa si aad ah ugu Faraxsaneed uguna dhoola cadaynaysay heesaha ay u qadayeen labada Fanaan ee Rasta iyo Hodan iyo waliba tageerada ay u mujinayen fanaaniinta Waqooyiga America.

Fananiinta Waqooyiga America ayaa muujiyay qaabka ay iskugu xiranyihiin iskuna tageeraan waxayna taas calamad ku dayasho mudan u noqon doontaa dhaman fanaaniinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool qarada yurub .

XAFLAD AROOSKA FARXIYO KABAYARE IYO FAARAX AKHIYAARFARSAMADII AHMED UGAASKA

DARDAARAN XAFLAD AROOSKA FARXIYA KABAYARE FARSAMADII AHMED UGAAS

GALBIS XAFLAD AROOSKA FARXIYA KABAYARE iyo FAARAX AKHIYAR FARSAMDII AHMED UGAASKA

GUUR. XAFLADII AROOSKA FARXIYA KABAYARE FARSAMADII AHMED UGAASKA

LADAN XAFLADA AROOSKA FARXIYA KABAYARE FARSAMADII AHMED UGAASKA

DAMASHAAD .XAFLADA AROOSKA FARXIYA KABAYARE FARSAMADII AHMED UGAASKA

SAXIIBTEY RUMAAD XAFLADA AROOSKA FAFXIYA KABAYARE FARSAMADII AXMED UGAASKA


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments