Fanaanka Ahmed Yare Muqaalka Heesta Dhoof Ayuu Soo Saaray.

Fanaanka Ahmed Yare oo ku nool dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minnesota ,ayaa soo saaray hees cusub oo lagu magacaabo Dhoof , waxaana heesta u duubay una farsamayay Studio Liibaan oo ku yaalo cariga Maraykanka.
Heesta Dhoof ayaa ah hees ka hadlaysa qisa jaceyl oo dhab ah ,waxaana dhanka jilitaanka fanaanka Ahmed Yare kala qayb qaadatay fanaanada baryahan danbe laga daba dhacay ee Fartuun Omar.
Ahmed Yare ayaa dhankiisa si macaan heesta u qaday una jilay ,waxaana intaas sii dheer muqaalka heesta oo si qurxoon loo duubay iyo waliba fanaanka Ahmed Yare oo isna si cajiib ah u soo labistay.
Fanaankaan ayaa ku soo caan baxay ama lagu xasuustaa qaybti uu ku lahaa heestii Ma ogtahay Galmudugeey uu hal abuuray Abwaan Dahir Abdulle Alasow oo loo yaqaano Dahair Yare.
Malmahan danbe waxaa inta badan fanka Soomaalida guud ahaan la wareegay fanaaniinta North America oo soo bandhigay heeso wanaagsan iyo muuqaalo aad la yabayso qaabka loo duubay ama loo farsamayay.
Halkaan ka daawo muuqaalka heesta.
Raage Ali Dheere
Holland – Amsterdam
raageali@hotmail.co.uk
|
|


Print
