By: Mastar //  Nov 22 2012 at 11:34 am //  2,034 Reads  // Wararka Somalia

Odayaasha Beelaha Hawiye oo markii ugu horeeyay sheegay inay qaati ka jooggaan Ciidamada Dowladda

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxay si weyn ay uga hadleen dhibaatada ay Magaalada Muqdisho ka wadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Waxaa xilligaan soo badanaaya dhibaatooyinka ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka wadaan Magaalada Muqdisho, iyadoo aysan muuqan tallaabo ay arintaasi wax kaga qabaneyso Dowladda Somaliya.

Gudoomiyaha Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu si kulul uu uga hadlay dhibaatada ay Ciidamada Dowladda ka wadaan Caasimada.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Magaalada Muqdisho ay la dhaqaaqi la’dahay dhaca, kufsiga, boobka iyo dilalka ay Ciidamada Dowladda u geysanayaan shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Dowladda uu Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxweynaha uu ka yahay, ayaa wuxuu hor dhigay in laba kala daran ay mid doorato, inay dadka ka qabato Ciidamada Dowlada ee dhibaateynaaya iyo inay amarto in leeska celiyo Ciidamada Dowladda.

Gudoomiyaha Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa wuxuu sheegay inaan loo dul qaadan kareyn dhibaatada ay Caasimada ka wadaan Ciidamada Dowladda.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments