Dastuurka ha lagu daro qodobadaan soo socda oo ka hadlaaya Badbaadinta Hooyada, Ubadka iyo Qaranka Soomaaliyeed
Walaalayal waxan mudo dheer ka fikiraaye sidii lagu heli lahaa qaynuun loo cuskado in la mamnuuco, xadgudubyada loo geysto dumarka iyo caruurta soomaaliyeed. Kaas u ugu horreeyo gacan ka hadalka ah in ninku uu soow doono u garaco xaaskiisa ama caruurtiisa.
Waxa kale oon ka fikiraaye dhibaatada ka soo fool leh, sida dalkii soomaaliyeed ay kooxo daneeyste yaal ah kuna daneysanaaya qabyaalad Ay dalkii u kala qoqobeen, iyo sida dalka loogala dagaalami laha musuq maasuqa ragaadiye.
Saas darted waxan soo jeedina in dastuurka dalka lagu daro afartaan qodab ee soo socota.
1) Inan la garaaci Karin dumarka.(oo ninku usan u geysan Karin xaaskiisa nooc kasta oo garaac ka mid ah).
Garaacista dumarku waxba soo kordhin meyso oon ka ahayn, xadgub iyo gabadhii oon fikradeeda wax ku maamuli Karin. Waxa iga suaala hadii niku masuuliyadiisi gabo yaa garaaci? Kan marfahka ku jira yaa garaaci?
2) Inan la tumi Karin caruurta da’kasta ooy leeyihiin.(Ma tumi karaan caruuta macallin dugsi quraan, macallin iskool, waalid iyo qofkalaba)
Cilmi baaris dheer kadib waxa la ogaaday in caruurtii markii ay yaraayeen waxbarashada lagu garaaci jiray, markeey koreen waxa ay noqdeen kuwa waxbasho oo dhan ka saaqiday. Waxa kale oo la ogaaday waalidiintii caruurtooda garaaci jiray ay markey koreen,ayaga iyo walidiintii xariirkoodu waxu ku soo koobmay Assalama caleykum iyo assalama caleykum. Taas oo ah nooc caasiwaalidnimo.
3) Dalka Somaaliya waxa iska leh dadka somaaliyeed, saas darted muwaadin kasta ee somaaliyeed : wuxu degi kara, ka ganacsa kara, iska soo sharici kara, xoolihiisa u daaqsi geyn karaa meel kasta ee dalka soomaaliyeed ka mid ah.
4) Fasaxida furashada xafiis dambi baareyaal madaxbanaan.(private prosecutors).
Lacgne uu ku qaato oo keli ah dambigii oo qof, hayad ama masuul ku soo oogo
Oo maxkamadi xukunto. (no win no fee).
Saas darted, waxan barlamaanka Somaaliyeed ka codsana inay cod u qaadaan
Sidii afartaas qodob loogu dari lahaa dastuurka somaaliyeed.
MHADSANIDIIN
Waxa soo diyaariye ING Aden Weheliye Hersi
Adaamo52@hotmail.com 00447931381803
|
|


Print
