Madaafiic Jawaab ah oo ku socota Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho
Duqeyn xoog leh ayaa ku bilaabatay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii dhowr daqiiqo ka hor madaafiic hoobiyeyaal ah lagu garaacay xarunta golaha shacabka oo uu haatan kulan uga socdo xildhibaanada baarlamaanka.
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom ay ka jawaabayaan madaafiicda lagu soo ganay xarunta golaha shacabka oo xilliyada ay kulmayaan baarlamaanka kooxaha mucaaradka madaafiic ku garaacaan.
Ganacsiga suuqa ayaa mar kaliya hakad galay, markii ay madaafiicda bilowdeen, waxaana suuqa uu noqday mid lagu kala yaacay oo dadka ay u carareen dhismayaasha shubka.
Mid ka mid ah ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa isagoo ku sugan goobtiisa ganacsi oo shubka ka sameysan uu inoo sheegay in madaafiic ay hada aad ugu socoto.
Suuqa bakaaraha ayaa la sheegaa in kooxaha mucaaradka ay ka soo tuuraan madaafiicda, xilliyada uu socdo kulamada baarlamaanka, ha yeeshee si dhab ah looma oga in saaka ay mar kale ka soo dhex tuureen.

Xaalada suuqa bakaaraha ayaa mudooyinkii u dambeeyay ahaa mid allow sahal ah, waxaana dhimasho fara badan ka soo gaareysa dadka rayidka, xilliyada la duqeeyo suuqa.
|
|


Print
