By: Riwaan Haji //  Nov 01 2012 at 1:42 am //  4,218 Reads  // Fanka iyo Suugaanta

Fanaaniinta kala ah Cawale Adan iyo Hodan C/Raxmaan oo is Jeclaaday.

  • Share
  • Comments
  • Print Print



Warar hoose uu helay boga Markacadey.net ,ayaa shegaya in labada fanaan ee ku nool North America Cawaale Adan Iyo Hodan C/Raxmaan uu u bilawaday jaceyl ,kadib markii dhawaan la isku arkay labada fanaan oo isla joga studio Liiban oo ku yaala Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka balse Hodan iyo Cawaale ayaa ku kala nool Canada iyo Maraykanka

Hodan iyo Cawaale ayaa jacelkooda ku soo bandhigay heesta cusub ee dhawaan isla qadeen labada fanaan heestaas oo lagu magacaabo Rugta Nolosha.

Cawaale ayaa heesta ku muujiyay erayo ka turjimayo qiimaha jaceylka iyo bahida labada qof isu qabaan.iyadoo erayada ay ka mid yihiin”Dhayaha Urooney Tii Lagu Rakibayey Mankayga Racaa,rugta nolosha waa guur raxma kalay.

Hodan ayaa iyaduna ugu jawabayso Allaylahee sidaan rabi ima diidine Raga kan ka doortooy , rugta nolosha waa guur rooble kalay.

Sheekadaan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan Malmahan xaga fanka,waloow aysan jirin soo bandhigid labada fanaan ku muujiyeen jaceylkooda.

Halkaan ka daawo heesta Hodan iyo Cawale.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments