By: Mastar //  Oct 25 2012 at 12:41 pm //  3,566 Reads  // Wararka Somalia

Dowladda Somaliya oo sheegtay in Al Shabaab ay la soo baxday Taatiko cusub, oo ay aad ula yaabeen

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay ka soo baxday qorshe cusub, iyadoo dhinaca kalana ku sheegtay inay si weyn ula yaabtay.

Abaan Duulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay bilowday inay shacabka ku dhacdo dareyska tuutaha.

“Maanta waxaan idin cadeyneynaa in Jid iyo Jihadiidkii ay bilaabeen hab cusub, habkaasoo ay ku dhacayaan shacabka Somaliyeed, marka ay dhacayaan waxay soo xirtaan Dareyska Ciidamada Dowladda.” Ayuu yiri General Dhaga Badan.

Dhaga Badan ayaa wuxuu wax layaab leh uu ku tilmaamay qorshaha ay xilligaan adeegsaneyso Al Shabaab, laakiin wuxuu sheegay inuu yahay mid ay ku dooneyso sida uu sheegay inay ku ceebeyso Ciidamada Dowladda.

“Waa wax layaab badan runtii, waa wax layaab badan, inay maanta shacabka ku dhacaan dareyska Ciidamada Dowladda, waxay rabaan inay ceebeeyaan Ciidamada Dowladda, laakiin wax suuroobeyso maaha waxaana uga daba geli doonaa meel kastaa oo ay galaan.” Ayuu yiri General Dhaga Badan.

Abaan Duulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay inay soo afjari doonaan Xoogaga Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka dagaalamaaya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments