Maxaxamed Dheere “Dowladda KMG waxa ay dowlad ka tahay magaca oo kaliyah”
Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo ahaa Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir ee Dowlada KMG Soomaaliya oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay Dowlada KMG Soomaaliya.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banadir ayaa waxa uu sheegay in dowlada KMG ay haatan magaca oo kaliya ay ka tahay Dowlad laakiin ay san jirin wax waxqabad ah oo ay la timid mudadii ay jirtay.
Maxamed Cumar Xabeeb Dheere ayaa ku Eedeeyay Masuuliyiinta ugu Saraysa Dowlada KMG Soomaaliya in ay wataan danahooda u gaarkaa isla markaana aysan ka warqabin xaalada ka jirta dalka oo haatn ah mid aad u murugsan.waxa uu sheegay in dowlada aysan haatan ilaha muhiimkaa sida ilaha Dhaqaalaha iyo kuwa la midkaa.
“ Dowlada KMG waxa ay dowada ka tahay magaca oo kaliyah, wax muuqad maqan intii ay jita oo waxaa ka wanaagsaneeyd Dowladii ka horeeysay. Ayuu yiri Maxamed Cumar Xababeeb (Axamed Dheere)
Maxamed Dheere ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay Dagaalada haatan ka socda Magaalada Caasimadaa ee Muqdisho ku waas oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada KMG oo ay Taageerayaan Ciidamada AMISOM iyo Waliba Xoogaga horjeeda, waxa uu sheegay in dagaaladaasi uu iclaamiyay Madaxwaynaha Dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed laakiin loo baahnaa in ay arintaasi ka shaqeeyaan wasaaradaha ku shaqada leh Sida wasaarada Gaashaandhiga
Ugu danbayntii ayaa masuulkaan waxa uu sheegay in mudadii ay jirtay Dowlada wax hormar ah oo lataaban karo oo ay samaysay taas badalkeeda ay jiraan dib u dhac badan oo ku yimid Dowlada KMG Soomaaliya
|
|


Print
