Haweeney eheladeeda dhaqaatiir u sheegeen inay dhimatay oo soo toostay iyadoo leh….+

Published on Oct 21 2010 By: Sabah Ali //  118 Reads  // Dhacdooyinka Caalamka


Maalinkasto waxaad maqlaysaa, arkaysaa ama lagaaga sheekeynayaa dhacdo kaa yaabiso, hadaba maanta waxaan idiin kugu soo gudbin doonaa barnaamijkeena dhacdooyinka caalamka dhacdo layaab leh oo ka dhacdey dalka Faransiiska ka gadaal markii dhaqaatiir ay u sheegeen ehelada haweeneey isbitaalka loo keenay xanuun in ay dhimatay, balse hadalkoodii noqdey aaryo (been).

Haweenaydan oo dhaqaatiirtii ku howlaneed caafimaadkeeda shaaciyeen in ay dhimatay ayaa soo toostay mudo 14 saacadood kadib, waxayna u sheegtay dhaqaatiirtii oo dawakhantay, ka gadaal markii ay soo toostay iyagoo u malaynayey inay dhimatay, inay huriday hurdo aad u macaan.

Shaqaalahii qaybtaas ay haweenayda ku jirtay ayaa weydiiyey ehelada haweenaydaas oo ah 60 sano jir, laguna magacaabo Lyda in ay ka damiyaan iyo in kale mashiinkii ku xernaa ee lagala socdey nolosheeda, balse maxaa dhacay?

Intii aanan laga jawaabin hadalka shaqaalahaa ayaa waxaa sariirtii ay ku da daboolneed ka soo toostay haweeeneydii loo haystay in ay mar hore dhimatay..

Haweeneydan 60 sano jirka ah ayaa aadey xaruun bukaan socod oo ku taallo Booqdoo, oo ku taallo koonfur galbeed dalka Faransiiska, xilli ay aad u xanuunsaneysay, laakiin markii ay qaadatay kaniini ayey hawada ka baxdey dhaqaatiirtiine ku dhawaaqeen in ay dhimatay.

Mid ka mid ah dhaqtarada ayaa yiri ” Waxaynu joognay dhinaceeda, markii ay si lama filaan ah u furtay indhaheeda, korna u soo kacdey ayna tiri ‘Caafimaad taam ah ayaan dareemayaa. Hurdo macaan ayaan hurday”!

Serg oo ah wiilkeeda ayaa yiri asne ‘dhaqtar ayaa ii sheegay in aan go’aan ka gaaro in aan ka damiyo iyo in kale mashiinkii ku xernaa’.

‘waxa ay aheed arrin naxdin leh in lays weydiiyo, dabcan qoyska hada aad ayuu ugu faraxsan yahay, sababtoo way ay nooshahay, laakiin waxaynu u baahanahay sharaxaad dhamaystiran in nagala siiyo sida ay ku dhici laheed arrintan’.

Haweenaydan ayaa tiri ” waxa kali ah ee aan xasuusto wax ay tahay, inaan dareemay xanuun, kadib markii lay siiyey cirbad matak joojin,’ ayadoo intaas ku dartay inay dareentay daal daran kadibna aysan caadi ahayn.’

Dr.Noel oo ah agaasimaha xarunta caafimaad ee Bordeaux polyclinique ayaa yirr ‘Lyda waxay qabtay qalal waana miir beeshay, xubin dhaqaaqdane waa laga waayey waxayna u muuqatay mid dhimatay’.

Waxaa kale uu yiri ‘ dhaqaatiirteena kuwa ugu qabiirsan xitaa way wiisiteeyeen, waxayna ku dhawaaqeen halka bukaanka lagu eego inay dhimatay, waa dhacdo dhif iyo naadir ah inay dhacdo’

Waa mid ka mid ah dhacdooyinka layaabka badan ee caalamka ka dhaco… naxdin iyo farxad iska daba yimid… reer loo sheegay inay hooyadood dhimatay hadane loo sheegay inay nooshay… waa yaab wayna dhici kartaa dad badan oo dhaqaatiir ku sheegeen inay dhinteen… si deg deg ah lagu duugay lagana yaabay sidan oo kale in ay miir doorsoomeen….sidaane god lagu galiyey….war hooy iska eega dhaqaatiirta warkooda iska hubiya waa binoow aadamme…

W/Turjimay: Abdulkadir Abdirahman
Dhacdooyinka Caalamka
Abdulkadir@banadir24.com
Dadir2003@hotmail.com

Related posts:

  1. 6-ruux oo ku dhimatay Muqdisho dagaal xalay ilaa maanta ka soconaya.
  2. Haweeney gaday cunug ay dhashay “Dhacdo la yaab leh”
  3. Yuusuf Indha Cade.’ Dowladda KMG iyo Ahlu Sunnna Waljamaac shacabka been ayey u sheegeen.
  4. Hooyo kaansarka loo dhinto qabto ayaa ku dhegtay wiilkeedoo xaadiraya maalintii 1aad iskuulka, maalintii xigtayna dhimatay…+ ‘Sawiro’
  5. Shan ruux oo ku dhimatay shil ka dhacay Puntland

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

haddii ay maanta Wacan i siin laheyd fursad aan ku weydiiyo hal su’aal, ayaa waxaan weydiin lahaa oo qura “Maxaad sidaani igu sameysay” “Qiso Xanuun Leh”

haddii ay maanta Wacan i siin laheyd fursad aan ku weydiiyo hal su’aal, ayaa waxaan weydiin lahaa oo qura “Maxaad sidaani igu sameysay” “Qiso Xanuun Leh”

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Zaki iyo Wacan, Zaki ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid xanuun badan ah. Waxaan...
Markab Cisbitaal ah oo loogu talagay in uu wax badbaadiyo!!!

Markab Cisbitaal ah oo loogu talagay in uu wax badbaadiyo!!!

Marin Leyn waa muwaadin u dhashay wadanka Talyaaniga waxa uuna in muda ah ku fakirayay sidii uu u caawimi lahaa dadka inta badan ay ku dhacaan musiibooyinka...
Gabar Somaliyeed oo ka dhaqaaqday wiilkii ifka ugu jeclaa iyo gabadhii oo dib u soo laabatay wiilkaasi “Qiso Cajiib ah”

Gabar Somaliyeed oo ka dhaqaaqday wiilkii ifka ugu jeclaa iyo gabadhii oo dib u soo laabatay wiilkaasi “Qiso Cajiib ah”

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Saalax iyo Asli, Saalax ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid xanuun badan ah. Waxaan...
Qaabka Burcad-badeeda ay u qaataan Lacagaha!!!! DAAWO MUUQAALO

Qaabka Burcad-badeeda ay u qaataan Lacagaha!!!! DAAWO MUUQAALO

Muuqaaladaan ayaa laga qaaday ka dib markii ay madax furasho u heleen raxan burcad badeed Soomaali ah oo markaasi u helay lacag dhan 1Milyan dollar. Wakaaladaha...
Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Wadanka Nageria “Daawo”

Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Wadanka Nageria “Daawo”

Dhacdadaan oo ah mid layaab leh ayaa waxay ka dhacday Magaalada Lagos ee dalka Nageria, kadib markii uu Magaalada Lagos uu ku dhashay cunug yar oo heysta...