By: Mastar //  Sep 22 2012 at 3:36 pm //  1,827 Reads  // Wararka Somalia

Daafacyo ay dhigteen Xoogaga Shabaab daafaha Magaalada Kismaayo oo duqeymo culus socoto

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Duqeymo xoog badan ayaa waxay ku socotaa daafacyo ay dagaal-yahanada Shabaab dhigteen inta u dhaxeyso Magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Gaar ahaan duqeymaha ayaa waxay ku socdaan inta u dhaxeyso Deegaanada Buulo Gaduud iyo Birta Dheer, oo labaduba dhaca daafaha ama duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradaha dagaalada ee Dowladda Kenya oo qeyb ka ah dagaalada adag ee lagula jiro Xoogaga Shabaab, ayaa waxay maanta duqeymo xoogan ay ku garaacayaan daafacyo ay Shabaabku ku lee-yihiin Buula Gaduud iyo Birta Dheer inta u dhaxeyso.

Duqeymahaan ayaa waxaa la-rumeysan yahay inay wax-yeelo ka soo gaarayaan Ciidamadda Al Shabaab, ee daafacyada kaga jira inta u dhaxeyso Magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka ayaa waxay sheegeen inay marka hore Al Shabaab kala dagaalami doonaan dhinaca cirka, markaasi kadibna ay la-wareegi doonaan daafacyadooda oo dhan.

Saraakiisha Dowladda ayaa waxay sheegeen inaysan marnaba ka joogsan doonin qorshaha ay Al Shabaab ugala wareegayaan Magaalad Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments