Militariga Soomaaliya iyo Amisom oo si weyn ugu soo dhawaaday Magaalada Jowhar
Wararka ka imaanaaya Magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan inay si weyn maanta Magaalada Jowhar ugu soo dhawaadeen Ciidamadda Militariga ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Militariga ee Midowga Afrika.
Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneyso inay Al Shabaab kala wareegto Magaalada Jowhar, ayaa waxay maanta dhinaca Magaalada Jowhar ay u dirtay ciidan xoog badan, kuwaa oo lagu wado inay Shabaab kala wareegaan Magaalada Jowhar.
Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Amisom ayaa waxay xilligaan ku sugan yihiin Deegaanka Boorow, oo ah Kontoroolka koowaad ee laga soo galo Magaalada Jowhar, halkaasoo ay fariisimo ku lahaayeen Xoogaga Shabaab.
Xoogaga Shabaab ayaan xilligaan ku sugneyn Kontoroolka Baarow, waxaana iminka ku sugan oo qura Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Amisom ay goor dhaw gudaha u geli doonaan Magaalada Jowhar, iyadoo shacabka reer Jowhar ay si weyn u soo dhaweyn doonaan Ciidamadda Dowladda.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Jowhar ayaa waxaa la-sheegaa inaysan taageersaneyn Xoogaga Shabaab, iyadoo Al Shabaab ay taageero ka weyday shacabka ku dhaqan Magaalada Jowhar, taasina ay keentay inay iskaga qalab qaadato.
|
|


Print
