By: Mastar //  Sep 22 2012 at 11:06 am //  1,020 Reads  // Wararka Somalia

Muslimiinta Magaalada Oslo oo bananbaxii ugu weyna isugu soo baxay si’aan horey loo arag “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Kumanaan Musliiminta Norway ayaa maanta Salaada jimcaha ka dib isugu soo baxey barxada weyn ee youngstorget Oslo senter.

Banaanbaxa oo ahaa mid aad u weyn ayaa waxaa looga soo horjeedey Cartoonkii iyo filmki wax looga sheegey Nabigeena Mohamed Nabad iyo Naxariisu ha ahaatee

Muslimiinta ayaa aad uga careysnaa iyagoo muujiyey jaceylka iyo xurmada Xabiibkeena Mohamed NNKH.

DADKA isugu soo baxey barxada Xisbiga shaqaalaha (arbeidet Party) waxey ku dhawaaqayeeen, ereyo ay ku weyneynaayeen Rasuulkeena Mohamed Nabad iyo Naxariista dushiisa ha ahaatee Ayaa watey slogans iyo Shicaarad kala duwan ay ku weyneynayeen suubanaheena Mohamed Bin Cabdullaahi NNKH.

Waxaaa ka hadley IMAAMYADA Misaajida Oslo Qaar ka mid ah , Masuuliyinta Muslimiinta Norway iyo kuwa ka socdey dowlada Norway.

Xoghayaha Guud ee Muslimiinta Norway Mehtab afsar iyo duqa Magaalada Oslo Iyo Wadaad ka socdey Chirstanka Norway ayaa waxey aad u dhaleeceeyeen Kuwii sameeyey Sawirada iyo Filmka wax looga sheegey Islaamka .

Oslo ord fører Fabian Stang (H) Ayaa asaga ka hadley sida uusan u jecleysan in wax dhibaayo Muslimiinta Norway loo geysto ayuu yiri ‘’ waan ka xumahay wax dhibaaya Muslimiinta Norway ( Shucuubta Musliintia Norway )

Asraf ayaa yiri ‘’ Banaabaxa waxaa soo qaban qaabiyey dhamaan Imaamyada Iyo Muslimiinta Norway kuna muujinayeen shucuurtooda ‘’

Mudahaaradka ayaa marka dambe gaarey safaarada Markeykanka ay ku leeyihiin Magaalada Oslo, Halkaasna ku muujiye Naceybka ay u qabeen kuwii sameeye Filmka iyo kartoonka

Amaanka safaarada iyo harareheeda ayaa aad loo adkeeyey ayadoo isku hareereeyeen Polis fara badan iyo gawaarida Ciidamada Amaanka Dunida Muslimka ayaa aad looga soo horjeystey laguna gubey Calamada Mareykanka ,Farnce iyo qaar ka tirsan wadamada Europe.






Hussein Osman Ali
Oslo Norway


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments