Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom oo duulaano ku qaaday Magaalada Jowhar
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay maanta ku dhaqaaqeen wadada aada Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom ayaa waxay saakay ka dhaqaaqeen Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo markaasi wata gawaari badan oo kuwa dagaalada ah.
Ciidamadda Dowladda iyo Amisom ayaa waxay ka gudbeen Deegaanka Qalimow oo ku yaalla bartamaha inta u dhaxeyso Degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay iskaga baxeyn guud ahaan Magaalada Jowhar, waxaana la-lee yahay majirto wax Maamul ah oo maanta ka jira Magaalada Jowhar.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Jowhar ayaa waxay ku soo waramayaan in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay saakay iskaga carareyn gudaha Magaalada Jowhar, oo ay ka arriminayeen muddooyinkii ugu dambeysay.
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay maanta si weyn ugu soo dhawaadeen Magaalada Jowhar, oo ay iskaga baxeyn Xoogaga Shabaab.
|
|


Print
