Dilal qorsheysan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo mid ka mid ah gacan ku dhiigla-yaasha oo la-soo qabtay
Dilal qorsheysan ayaa waxay xalay ka dhaceen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxayna dilalkaan ay Magaalada Muqdisho ka noqdeen kuwo soo kordhaayay maal-mihii la-soo dhaafay.
Laba nin oo dhalinyaro ah oo bistoolado wadatay ayaa waxay xalay laba ruux ay ku dileen Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, iyadoo mid ka mid ah uu yahay qof rayid ah, halka midka labaadna uu yahay askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda.
Raggaan ayaa waxay marka hore maqaaxi ku taalla Degmada Boondheere oo shaaha laga cabo ay ku dileen qof shacab ah, iyadoo markiiba ay goobtaasi iskaga baxsadeen, sida ay sheegayaan wararka dilalkaan laga helaayo.
Dhawr daqiiqadood kadib ayaa waxaa la-maqlay sawaxanka rasaas ilaa shan xabadood gaareyso, iyadoo rasaastaasi lagu dilay mid ka mid ah Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Rasaastaasi ayaa waxaa ku soo baxay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Degmada Boondheere, iyagoo markaasi rasaas xoog leh ku furay kuwii dilalka ka geystay Degmada Boondheere, waxaana markiiba u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah kuwii dilalka geystay.
Gacan ku dhiiglaha ayaa wuxuu iminka uu ku xiran yahay Saldhiga Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana lagu wadaa in Maxkamad la-soo taaggo dhawaan, si Sharciga loogu qaado gacan ku dhiiglaha.
|
|


Print
