By: Riwaan Haji //  Sep 21 2012 at 9:37 am //  395 Reads  // Article & Opinion, Wararka Somalia

Madaxweyne Xasan sheekhow, Rabbi baa ku watee, dastuurkaaga ka dhigo kan Allah inoo soo dejiyay, kan la dhoob dhoobayna dhinac iska dhig, cadow gudaha iyo dibedda wax kaama qaadaye

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Shaki kuma jiro in madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya uu ku yimid si mucjizo ah,maxaa yeelay lama filayn in uu jagadaasi qabto,sidii loo filaayay rag arrintaasi ku cadcaddaa,iidheh iyo dacaayado badana ku sameeyay gudaha Soomaaliya iyo dibeddaba, kharash badana arrintaasi ku bixiyay,waxaa la filaayay oo ay shacabku intooda badan filayeen in Sheekh Shariif uu markale ku soo laaban doono madaxtinimada dalka,waxaa kaloo la hadal haayay in Gaas ama Baadiyow ama Farmaajo uu midkood noqon doono madaxweynaha Soomaaliya,haseyeeshe saadaashii dadka intooda badan dhab mey noqon,balse wixii uu Rabbi qaddaray baa dhacay,Rabbina wuxuu qaddaray in la doorto mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka muuqato qunyar socod iyo tawaaduc,inkastoo aan la ogeyn wixii uu berri la soo bixi doono.

Shaki kuma jiro in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay sugayaan howlo adag oo waaweyn oo sannooyin badan lala tacaalay in wax laga qabto,waxaana ugu weyn sidii dalka looga saari lahaa,dhaqanka ah in dibedda laga soo maamulo ama laga soo xukumo,in uu ka hortago musuqmaasuq dalka ku habsaday laga soo bilaabo xornimadii dalka ilaa uu Sheekh Shariif dalka ka hoggaaminayay,in uu ka hortago nidaamka qabiilka ku dhisan oo dad badan u aaminsan in uu yahay geeddi socodka nolosha,dawladda iyo baarlamaankana lagu soo dhiso nidaamkaas baadhilka ku dhisan,in uu Soomaaliyeeyo shaqaalaha madaxtooyada iyo raadiyo Muqdishow iyo gegida dayuuradaha Muqdishow iyo meelaha nacfiga leh oo madaxweynihii la doortaba ku ururiya ama ka buuxiya qabiilkiisa,in uu ka hortago NGOda gaallada lagu soo qaraabto iyo qandaraasyada qabiilka lagu soo ganbado,kuwaasoo haddii la isku barbardhigo waxa ay ummadda u qabtaan iyo danaha ay ku fuliyaan ay isugu jiraan cirka iyo dhulka.

Sidaas daraadeed ayaysan u fududayn in kooxo in muddo ahba la dhadhansiiyay mansab iyo maal,laguna fidiyay meelaha dhaqaalaha leh in si fudud looga hortago ama jagooyinkooda looga qaado,balse waxay u baahan tahay in isbeddal lagu sameeyo si taxadar lehna loogula macaamiltamoodo,maskax deggana lagula dhaqmo,maxa yeelay haddii raggaasi xoog loo sheegto oo jagooyinkoodii lagu beddalo dad ka socdaa qabiilka madaxweynaha cusub,wey gadoodayaan wax bayna qasayaan fidno ayayna abuurayaan,haddii loo daayana dhibaatooyin ayay la imaan karaan,waxaana dhici karta in sirta madaxweyne Xasan ay u gudbiyaan raggii meesha keensaday.

Su’aasha kale oo madaxweynuhu hor-taalo waxay tahay,muxuu ka samayn doona, dastuurkii dalka loo dejiyay oo ay gaalladu iyo calmaaniiyiintu raalliga ka yihiin iyo midka uu Allah raalliga ka yahay,macnaha kee buu qaadan doona,ma dhici kartaa in gaallada iyo calmaaniyiinta uu warkooda ka baxo,si caddaan ahna u yiraahdo:dastuurkeena waa kitaabka iyo sunnaha rasuulkeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama,xukunkeenuna wuxuu noqon doona xukun islaami ah,shareecada islaamka ayaana ku dhaqmayna,haddii ay taasi dhacdana oo uu arrinkaasi iclaamiyo,waxaa cad in uu Allah raalli ka ahaanayo,shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ahna ay soo dhoweynayaan,malaayiinta muslimiinta ah ee dunida ku faafsana ay u riyaaqayaan.

Ku adkaysiga arrinkaasi,macnaha in shareecada islaamka laga hirgeliyo dalka Soomaaliya waxaa aad uga caroonaya gaallada iyo qoloda calmaaniyiinta ah iyo kuwo isku sheega ururo islaami ah oo xaalkoodu yahay la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan,waxaase loo baahan yahay si uu xukunkaasi u meel maro, macnaha xukunka shareecada islaamka in la muujiyo dulqaad iyo samir,dadkana la baro afka carabiga,afkaasoo ay dad badan olole u galeen sidii loo baa’bin lahaa,laga soo bilaabo markii loo dagaaltamayay gobannimadii iyo xornimadii Soomaaliya,halgankaasoo gobannimodoonka ahaa ee u soo baxay dhallinyaro naftood hurayaal ahaa ayna ku midoobeen xisbi ay ugu magac dareen S.Y.L.,waxaana mabaadi’ida xisbigaasi ka mid ahaa in dadka la baro afka carabiga si ay si fudud ugu bartaan qur’aanka kariimka ah,dalkana lagu dhaqo shareecada islaamka,haseyeeshe gumeystayaashii markaasi jiray iyo kuwii Soomaaliyeed ee gacan saarka la ahaa,waxaay olole u galeen sidii looga hortagi lahaa barashada afka carabiga,cadowgaasoo ilaa iyo imminka ka shaqeeya sidii loo baabi’in lahaa barashada afka carabiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh,yey sirin falsafadda ah siyaasadda iyo diinta shaqo iskuma laha, waana falsafad lagu fogeynayo barashada shareecada islaamka iyo afka carabiga,waxaana xaqiiqo ah in siyaasadda ay ka mid tahay diinta islaamka,dawladda islaamiga ahna kama maaranto siyaasadda,siyaasadduna waa waxyaabaha lagu socodsiinayo arrimaha dadka, siyaasaddu waa qayb ka mid ah manhajka islaamka,kalamana hari karaan siyaasadda iyo diinta,haddii la kala gooyana oo la kala saaro waxay macneheedu tahay in qofka muslimka ahi uu u hoggaansamo xukun aan islaam ahayn oo wixii xaaraan ahna la xalaalaysto wixii xalaal ahna la iska xarrimo,kuwa kala saaraya siyaasadda iyo diinta islaamka waxay ujeeddadoodu tahay si ay islaamka xooggiisa hoos u dhigaan oo ay u daciifiyaan,suuradda Al-Maa’ida wuxuu Rabbi ku xusay saddex meelood oo ah:qofkii aan ku xukmin wixii uu Allah soo dejiyay waxay kuwaasi ahaadeen gaallo, meel kalena wuxuu Rabbi kuwaasi ku tilmaamay in ay yihiin kuwo daalimiin ah,meel kalena wuxuu Allah ku yiri:waxay kuwaasi ahaadeen: faasiqiin.

Maxamedeyn

Den Haag/Holland
Waa inoo mowduuc kale iyo markale insha Allah.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of Markacadeey online


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments