Qarax culus oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, Ciidamadda Dowladda oo lala eegtay iyo khasaaro ka dhashay
Qarax miino ayaa waxaa caawa Magaalada Muqdisho lagula beegsaday Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, iyadoo qaraxaan uu geystay khasaarooyin soo gaaray Ciidamadda Dowladda Somaliya.
Gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo maraayay Xaafadda Gubta ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa lala beegsaday qarax miino oo aad u xooganaa.
Qaraxaan oo gaariga ka haleelay qaarka dambe ayaa waxaa ku dhintay laba askari oo kaliya, iyadoo tiro kalana ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda.
Ciidamadda Dowladda ayaa waxay qaraxa kadib fureyn rasaas xoog badan oo aan loo-meel dayin, iyadoo rasaastaan ay ku dhinteen 4 qof oo shacab ah, isla-markaana mid ka mid ah ayaa wuxuu yahay cunug yar.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa caawa Magaalada Muqdisho lagula beegsaday Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, hase ahaatee inta badan ayaan looga baran inay ka hadlaan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo xoog leh oo markaasi lagula beegsanaayo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, mana jirto wax ay ka qabato Dowladda Somaliya.
|
|


Print
