By: Mastar //  Sep 19 2012 at 1:46 pm //  1,254 Reads  // Wararka Somalia

Maraakiibta dagaalada ee Dowladda Maraykanka oo soo dhoobtay Xeebaha Magaalada Kismaayo

  • Share
  • Comments
  • Print Print



Maraakiibta dagaalada ee Dowladda Maraykanka ayaa waxay soo dhoobteen Xeebaha Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.

Maraakiibtaan ayaa waxay u muuqdaan kuwo u soo qalab qaatay sidii ay hawl-galo uga geysan lahaayeen Deegaanada Gobolka Jubbada Hoose, oo ay si weyn iskugu haayaan Ciidamadda Huwanta iyo Ciidamadda Al Shabaab.

Maraakiibta dagaalada ee Dowladda Maraykanka oo ku sugan Xeebaha Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa la-hadal hayaa inay qeyb ka noqon doonaan qorshaha lagula dagaalamaayo Xarakada Al Shabaab.

Wakaalada Wararka ee Associated Press oo ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa waxay maanta soo daabacday, in Maraakiibta dagaalada ee Dowladda Maraykanka ay u muuqdaan kuwo xilligaan u soo wareegtay dhinaca Xeebaha Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Dowladda Maraykanka ee dhinaca Wasaarada Gaanshaandhiga ayaa waxay qirteen in Maraakiibta dagaalada ee Maraykanku ay u soo wareegteen dhinaca Xeebaha Magaalada Kismaayo, hase ahaatee maysan sheegin inay dagaalada ka qeyb qaadan doonaan iyo in kale.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments