By: Mastar //  Sep 18 2012 at 7:38 pm //  798 Reads  // Wararka Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya oo beeniyay in Madaxweyne Shariif uu ku eedeeyay qaraxii lagu soo weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kenya Sam Ongeri ayaa wuxuu iska fogeeyay in Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu ka dambeeyay weerarkii khatarta badnaa ee lagu soo qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kenya Sam Ongeri oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi, ayaa wuxuu kaga hadlay inuusanba isaga oran, in Madaxweyne Shariif uu ka dambeeyay weerarkii lagu soo qaaday Madaxweynaha cusub.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in markii uu warkaasi uu maqlay uu aad ula yaabay, isagoo intaasi ku daray in Dowladda Kenya ay baaritaano ku sameyn doonto, Warbaahintii warkaasi baahisay in uu isaga sheegay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in arintaan uu aad iyo aad uu uga xun yahay, isla-markaana wuxuu sheegay in uu raali gelin buuxda uu u jeedinaayo Maaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay inaysan u dul-qaadan doonin in la-aflagaadeeyo buu yiri Madaxda dalka.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kenya Sam Ongeri ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Dowladda Kenya laga dalbaday inay raali gelin deg deg ah ay warkaasi ka bixiso, soona kala cadeyso cidii ka dambeysay in warkaasi uu suuqa soo galo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments