Qisadaan xanuunka badan weli ma’aragtay wax lamid ah ?
Qisadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Maxamuud iyo Hiba, Maxamuud oo ay isagu ku dhacday dhacdadaan ayaa ka sheekeeyay.
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waxbarashadeyda waxaa kusoo qaatay isla magaaladda Muqdisho, intii aan dhiganaayay Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa isbaranay Hiba, weliba waxaa isku baranay khadka Teleefanka.
Maalin maal-maha kamid ah anigoo doonaayo inaan garaaco teleefan kale ayaa waxaa ku qalday teleefanka ay Hibo laheyd, dood iyo murun kadib ayaa waxaa inoo suurta gashay in si’ caadi ah aan isku barano hiba.
Muddo markaan teleefanka ku wada-hadli jirnay ayaa waxaa inoo suurta gashay inaan Hiba is’aragno, waan arkee maxaa la-kulmay? Waxaan la-kulmay gabar aad u qurxoon oo ruuxii arkaana uu la-fajacaayo quruxdeeda, hase ahaatee waxaa inoo suurta gashay inuu ina dhex maro xiriir jaceyl.
Hiba ayaa waxay si’aad ah ugu wanaagsaneyd Diintayna Suuban ee Islaamka, isla-markaana waxay sifiican u garaneysay laqada Carabiga, sidoo kale anna waxaan ahaa nin ku wanaagsanaa Diinta Islaamka, xaqiiqdii waan ka helay iyadana waa ay iga heshay, waxaana u soo jeediyay maadaama aanu nahay laba ruux oo Diinta ku wanaagsan inaan Alla dartii isku aamino, axdi iyo balana aanu meel wada dhigano, si kal iyo laab leh ayay u soo dhaweysay Hibo.
Inta badan Hiba waxaanu ku wada sheekeysan jirnay khadka teleefan, waxaan baray dhamaan qoyska aan ka dhashay, sidoo kale waxay i bartay qoyska ay ka dhalatay, qoyska Hiba ayaa waxay ahaayeen dad aad u wanaagsan, isla-markaana waxay ii sharfi jireyn si heer sare leh.
Aallaaba Hiba waan iska ilaali jiran, waayo waxaan mar walba ka baqi jiray in uu Shaydaan dhabarka iga riixo, si’aan macsi ugu dhaco, teeda kale si’aad ah ayaan u jeclahay, mana ku dhaco inaan ku xad-gudbo“Waa Hubaal qofka aad jaceshahay dooni meysid inaad korkiisu taabato”.
Muddo dhan seddex sano anagoo sidaasi ku wada socono ayaa maalin maal-maha kamid ah ehelada Hiba oo joogga dalka Sweden ayaa waxay ku yiraahdeyn aad dalka Itoobiya, si’aan kuugu xareyno Leen, intii aysan bixin ayaa waxaa galnay dardaaran aad u heer sareeya, waxayna igu tiri “Maxamuud gacaliye adiga uun ayaa ku maqanahay, waa balan shaqada ugu horeyso ee aan qabanaayo inay tahay, sidii aan adiga kuugu keyni lahaa dalka Sweden, waa haddii aan tago’e”, anna waan soo dhaweeyay hadalka ay ileedahay boqoradeeda, sidii ayayna ku baxday.
Muqdisho markii ay ka baxday ayaa waxay sii martay magaaladda Hargeysa hal habeen ayay seexatay magaaladda Hargeysa, habeenkaasi ayaa waxaa in badan ku wada-hadalnay khadka teleefanka, anagoo dareysan sida aan u kala fogaanay, kadib ayaa waxay tagtay magaaladda Addis Ababa, waxayna Addis Ababa ay joogtay muddo dhan 2 sano.
Intii ay joogtay Addis Ababa ayaa maal-maha Isniinta iyo Khamiista ku wada shekeysan jirnay khadka Internetka, marararka qaarkoodna waxaanu ku wada hadli jirnay khadka teleefanka, nasiib wanaag waxay gashay dalka Sweden, intii ay Sweden joogtay ayaa waxaa cirka isku sii shareeray jaceylkii inoo dhaxeeyay, maalmo kadib anna waxaa magaaladda Muqdisho ka helay shaqo.
Gabar ay qaraabo ahaayeen Hiba ayaa si wanaagsan ula socotay jaceylka inoo dhaxeeyay aniga iyo Hiba, dhabtii jaceylkaynu ayaa wuxuu ku dhisnaa daacadnimo “Kaasoo kalaa jaceyl lagaa dhahaa”.
Muddo kadib ayaa waxaa maalin maal-maha kamid ah ay igu tiri “Macaane waxaan doonaayaa inaan soo iibsado Laptop, marka waxaan doonaayaa inaad i soo dirto lacag dhan kun dollar ‘1000 US Dollar”, markaa ayaa waxaan ku iri, macaan waad ogtahay waxaan jooggaa magaaladda Muqdisho waa magaalo iska dhib badan oo halis ah, lacagta aan shaqeeyana waa wax yar oo xadidan, marka gacaliso ma-awoodo lacagtaas oo dhan, kadib waxay igu tiri “Dhib malaha waa iska caadi”.
Taasi waxay keentay in muddo dhan hal isbuuc aanan maqal codkeeda, anigoo garan waayay meel aan u raadiyo, nasiib wanaag waxaan khadka ku arkay gabadhii ay qaraabada ahaayeen, waxaana ku iri xagee ka dhacday Hiba, hase ahaatee waxay igu tiri “oo maba ogid miyaa, inay nin guursatay” waan u maleysan waayay waxaan ku iri sidee wax u jiraan kadib ayaa waxay igu tiri “Hiba waxay guursatay wiil ka yimid dalka Norway mana jirto cid ay u sheegtay xitaa waalidkeeda waxaasi waxba kalama socdaan ee sidaasi ayay wax u dhaceyn” Yaabka Yaabkiisa ayay dhacdadaasi igu noqotay.
Waxaa gurigeyna igu yimid Hiba waalidkeeda waxayna igu yiraahdeyn “Maxamuud waan ka xunahay gabadhii Hiba aheyd waxa ay sameysay, cid ay u sheegtayna malaha oo iyada uun baa guurkaasi iska sameysatay, ee wiilkeygow adiga ayaan kuula jecleyn balse maxaan sameynaa” wada-hadal kadib ayaa waxaan ku qancay kalmadaha wan wanaagsan ay i lee-yihiin qoyska Hiba, sidii ayaana ku qancay.
Maalin ayaa waxaa khadka Internetka ku arkay Hiba, waxayna ii sheegtay inay guursatay wiil ka yimid dalka Norway, waxayna igu tiri calaf ayaa na-kala geeyay balse adigaan ku jeclaa, weligeyse kuma ilaawi doono, ee calafka uun baa iga kaa hiiliyay.
|
|


Print
