Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dowladda Kenya ka dalbaday inay raali geliso Madaxweynihii hore
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu si kulul uu maanta u weeraray Dowladda Kenya, oo iyadu Madaxweyne Shariif ku eedeysay in uu ka dambeeyay, weerarkii lagu dili rabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaysan u dul-qaadan doonin in sumcadooda lagu ciyaaro buu yiri Madaxdii dalka.
“Waxaan cadeyneynaa inaanan raali ka ahayn in la-aflagaadeeyo Madaxdii Wadanka, ma-dooneyno in nalagu hor-caayo Masuuliyiin qiimo iyo Karaamo akteyna ku leh.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in uu la-xiriiray Dowladda Kenya, waxna uu ka weydiiyay hadalka ay Kenya ku sheegtay in Shariif Sheekh Axmed uu ka dambeeyay weerarkii lagu soo qaaday Hotel Jazeera, hase ahaatee Kenya waxay sheegtay buu yiri in warkaasi uusan jirin.
Laakiin haddii uusan warkaasi jirin ayaa wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dowladda Kenya uu ka dalbaday inay soo kala cadeeyaan cidii warkaasi siisay Warbaahinta gudaha Kenya ka hawl-gasha, oo shalay warkaasi baahisay.
Dowladda Kenya ayaa wuxuu sidoo kale uu ka dalbaday inay raali gelin deg deg ah ay siiyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, oo ay ka been abuurteen.
|
|


Print
