By: Mastar // Sep 16 2012 at 8:01 pm // 1,393 Reads // Wararka Somalia
Madaxweyne Geelaha Jabuuti oo khudbad dareen leh maanta ka jeediyay Magaalada Muqdisho “Daawo Video”
Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ka jeediyay khudbad taabaneysay dhinacyo badan, iyadoo si diiran u sheegay inay garab taagan yihiin Dowladda cusub.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Madaxweynaha cusub, isagoo ugu baaqay in howlaha adag ee hor-yaala uu ka samata bixiyo dhibaatada shacabka Soomaaliyed.
Khudbadaha ay jeediyeen Mas’uuliyiinta ka socotay caalamka ayaa waxaa hambalyo iyo bogaadin loogu muujinayay Madaxweynihii hore oo sida dimoqraadiyada aheyd uu u aqbalay doorashada Madaxweynaha markii laga guuleystay.
Daawo Video
|
|
Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


Print
