Xafladda Xil Waraajinta Madaxweynaha cusub oo goor dhaw ka furmatay Magaalada Muqdisho
Xafladda Xil Wareejinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay goor dhaw ka bilaabatay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, xilli ay ku sugan yihiin Madax kala duwan oo Caalamka ka kala socota.
Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxay ka soconeysaa Xaruuntii Dugsiga Tababarka ee School Polizio ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Hawlka ay Xafladaan ka soconeyso ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowaldda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, , Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xafladda Caleemo Saarka ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raa’isal Wasaaraha cusub ee Dowmadda Itoobiya Haila Malyam Gazalle, Kaaliyaha Dowladda Suudaan, Raa’isal Wasaaraha ku Xigeenka Dowladda Turkiga iyo xubno kale oo fara-badan.
Somaliya waxay maanta u tahay maalin aad iyo aad ugu weyn oo u qiimo badan, haddii Magaalada Muqdisho ay maanta ku soo qul qulaayaan Wafuud Caalami ah, si’ay uga qeyb qaataan Caleemo Saarka Madaxweynaha.
|
|


Print
