By: Mastar //  Sep 16 2012 at 11:48 am //  1,289 Reads  // Wararka Somalia

WAR DEG DEG: Madaxweynayaasha Suudaan iyo Jabuuti oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxay maanta Soomaaliya u tahay maalin aad u weyn haddii Madaxdii Caalamka ay maanta ku soo qul qulaayaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Dowladda Suudaan Mudane Cumar Xasan Al Bashiir, ayaa waxay maanta soo gaareyn Magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaashaan ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, oo maanta la-joojiyay gebi ahaanba shaqooyinkii ballaarnaa ee ka soconaayay.

Madaxda Dowladaha Suudaan iyo Jabuuti ayaa waxaa soo dhaweynteedu laga dareymayaa Garoonka Aadan Cadde, iyadoo soo dhaweyntoodu ay ka qeyb qaadanayaan Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Magaalada Muqdisho isna soo gaaray Raa’isal Wasaare ku Xigeenka Dowladda Turkiga Bakir Bosdag, kaasoo soo dhaweyntiisu ay isna ka soconeyso Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxda Caalamka ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ay u imaanayaan ka qeyb qaadashada Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments