Abwaan Sangub oo 10 sano kadib dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, isagoo ay wataan rag Madax ah
Abwaa Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) oo ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed, ayaa wuxuu dib uu ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho muddo 10 sano kadib.
Abwaan Sungub oo Sabtidii shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweysay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Abwaanka oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Magaalada Muqdisho ay ugu dambeysay xilligii Dowladdii Madaxweyne C/Qaasim Salaad Xasan, gaar ahaan sanadkii 2002-dii.
“Waxaa nala socda Kooxda deegaan, waxaa kooxda ay kaga duwan tahay sidii hore iyagoo yar yar oo halkanka bilaabeen, maanatana qaarkood ay ciro leeyihiin ayaa xamar joogga.” Ayuu yiri Abwaanka weyn ee Sangub.
Abwaan Sangub ayaa wuxuu sheegay in Magaalada Muqdisho ay wax badan ka duwan tahay muuqaalkii loogu sheegay inay tahay, isagoo intaasi ku daray in Magaalada Muqdisho ay wax badan dhisantay, sida uu sheegay.
|
|


Print
