By: Mastar //  Sep 16 2012 at 10:50 am //  1,007 Reads  // Wararka Somalia

Ciidan xoog leh oo maanta lagu soo daadiyay wadooyinka Magaalada Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ciidan xoog leh ay ku soo daadisay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, si’ay uga qeyb qaataan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Xilli maanta Magaalada Muqdisho lagu Caleemo Saaraayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, ayaa waxay Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneysaa inay sugto ammaanka Magaalada Muqdisho.

Si’aysan fal dambiyeedyo uga dhicin Magaalada Muqdisho ayaa waxay Dowladda Soomaaliya u muuqataa mid xil ballaaran iska saareysa xaqiijinta ammaanka Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareymayaa Ciidamadda Dowladda ee faraha badan leh ee maanta la-soo dhoobay wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in suggida ammaanka Magaalada Muqdisho ay qeyb weyn ka qaadanayaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments