Dadka naafada ah ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan oo Urur mideeya sameystay “Daawo Sawirada”
Kulan ay ku yeeshaan magaalada baladweyne tiro ka mid ah dadka naafada ee ku nool Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay kaga dhawaaqeen urur mideeya dadka Naafada isla markaana wakiil uga noqday wixii tabaruc ah ee loogu talagay dadkaas.
Kulanka oo Galabta oo Khamiis ah ka dhacay hoolka Shirarka Machadka Waxbarashada ee SIGMA ayaa goob joog waxaa ka ahaa wakiilo ka kala socda Maamulayaasha Iskuulaadka Waxbarashada Nidaamiga ah ee Magaalada Baladweyne.
Ururkan oo logu magacadaray Action disapility and development Organization ( ADDO ) waxaa isla markiiba ka hadlay oo yabooh ka jeediyay Ustaad Xasan Cabdi Soomane oo ku hadlaayay Magaca Maamulayaasha Dugsiyada Sare ee Magaalada Baladweyne waxaana uu goobta ka balan qaaday in caruurta gaartay xiliga waxbarashada oo ay dhaleen dadka naafada ah ee Magaalada Baladweyne in ay siinayaan waxbarasho
dugsiga hoose iyo Sare oo lacag la’aan ah si ay u soo buuxiyaan Qeybta
Waalidkood ka maqan ee dhinacyada maskada ama lixaadka
“Anigoo ku hadlaaya Afka Maamulayasha Iskuulaadka Baladweyne waxaan balan qaadeenaa in dhinaca waxbarashada aan ka taageern Ubadka ay dhaleen dadka Naafada Maadaama hadii waxbarasho la siiyo Caaruurta dadka Naafada waxaa hubaal ah in qeybta ka maqan waalidka ay u dhameystirmeyso hadii aan sidaas la yeelin waxaa dhici karta in Caruurtaas ay noqdaan kuwa dhinac kale u shaqeeya maadaama waalidkood aanu awoodin in uu dhinacyada Nolosha iyo waxbarashada ka taageero
waxaan diyaar u nahay ugu horeyn in aan kaalintaas oo muhiim ah aan ka qaado taageerada loo fidinaayo walaalaheen Naafada ah.” Ayuu yiri mid ka mid ah dadka naafada ah.
Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Hormuudka Jaamacada Baladweyne C/qani
Xasan Weyrax waxaa uu ku baaqay in la taageero dadka Naafada maalinta
Khiyaamaha wax badan ayaa layska weydiinayaa naxarista uu qof walba u sameeyo
xiliga uu addunka joogo waalkiisa u baahan in la caawiyo.
Cali Kheyr Cumar Guure oo isna Codka Qurbajoogta Gobalka Ku hadlayay ayaa
hoosta ka xariiqay in diinta Islaamku ay tahay Naxariis waxna layska weydiin
doono hadii aan masaakiinta caawinay iyo hadii kale
.
Ugu dambeyn gudoomiyaha Ururka Naafada Gobalka Hiiraan Max,med Axmed
Sheekeeya ayaa isna goobta ka sheegay in Naafada Gobalka gaar ahaan Baladweyne
tiradooda ay aad u badantahay ayna isugu jiraan Waayeen,Dhalinyaro iyo Caruur mana jirto ayuu yiri cid iska weydiisa Nolosha ay dadkaas ku noolyihiin marka ay noqoto Kaalamada la keeno Gobalka ay gacanta mariyaan dadka lixaadkoodu dhanyahay naafadana layska dul maro qofka muslimka manta wuxuu baxsado ayaa maalinta Khiyaamaha ee Bari ka horeysa ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.







|
|


Print
