Dagaalo culus oo galabta dhex maraaya Xoogaga Shabaab iyo Ciidamadda Huwanta
Dagaalo qaraar ayaa waxay maanta ka soconayaan inta u dhaxeyso Degmada Afmadow iyo Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaaladaan ayaa waxa xilligaan ka soconayaan goobo hoos-tagga Deegaanka Birta Dheer, oo ay daafacyo adag ku lee-yihiin Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo si weyn uga soo horjeeda Dowladda Somaliya.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaaladaan ay soo qaadeen Ciidamadda Huwanta, oo leesku yiraahdo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, Ciidamadda Dowladda Kenya iyo Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in galabta dagaalo qaraar ay u dhaxeeyaan Ciidamadda Huwanta iyo Xoogaga Shabaab, wuxuuna qorshaha yahay in Al Shabaab looga saaro Deegaanka Birta Dheer.
Ciidamadda Huwanta ayaa waxay iska caabin xoog leh ay kala kulmayaan Xoogaga Shabaab ee Birta Dheer ku sugan, halkaas oo ah deegaan qalcado ah ay difaacyo adag ku leeyihiin dagaalyahanada Shabaab.
|
|


Print
