Askar ka tirsan Dowladda Somaliya oo si farsamo leh lagu dilay iyo Dowladda Somaliya oo aan ka hadlin
Askar ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa si gaadmo leh loogu toogtay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana aysan weli amuurtaan ka hadlin Dowladda Somaliya.
Laba askari oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Xaafadda Gubta ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa soo weeraray seddex nin oo dhalinyaro ah, kuwaa oo watay bistoolado.
Dhalinyaradaan ayaa waxaa la-sheegay in si gaadmo leh ay dhawr xabadood madaxa uga kala dhufteen askartaan, oo ku sugneyd fariisimo ay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ku lee-yihiin Xaafadda Gubta ee Degmada Dayniile.
Dhalinyaradii dilka geysatay ayaa waxaa la-xaqiijiyay inay iskaga baxsadeen gudaha Xaafadda Gubta, iyagoo markaasi u cararay dhinaca luuqyada ku yaalla Xaafadda Ciise Cabdi, oo iyana hoos-tagtay Xaafadda Gubta.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin dilalka qorsheysan ee loo-geystay laba ka mid ah Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, laakiin waxaa xusid mudan inay Saraakiisha Dowladdu ka hadlin dhacdooyinka noocaanoo kala ah.
|
|


Print
