By: Mastar //  Sep 14 2012 at 5:39 pm //  1,747 Reads  // Wararka Somalia

Sh. Cabdalla Ibraahim “ALLAAH baa kaga filan kuwa u gafay NABIGA {SWC} Balse Ha Ogaadaan In Balaayiin Muslimiin ah ay Difaaci Doonaan Sharafta Rasuulkeena”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa sii siyaadaya carrada Shucuubta Muslimiinta ee Caalamul-Islaam ka qaadeen gafka ay gaaladu caadaysatay inay had iyo jeer kula kacaan Suubanaheena MUXAMAD {SALAWAATU-LLAAHI WA SALAAMUHUU CALAYH} iyadoo Malaayiin Muslimiin ah ay kacdoon ka samaynayaan Filim lagu aflagaadeeyey Islaamka oo lagu jilay Maraykanka.

Hadaba maanta oo jimco ah ayaa Masaajidada caalamka waxaa laga wada habaaray kufaarta gafkaasi ku kacday, waxaana Masjidul-Sunna oo ku yaalla Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Cape Town uu Imaanka Masjidka Soomaalida ee Sheikh Cabdalla Ibraahim kusoo qaatay sharafta iyo maqaamka sare ee ALLE (SWT) uu siiyey Suubanaheena MUXAMAD {SALAWAATU-LLAAHI WA SALAAMUHUU CALAYH}.

Sheekha, waxa uu sheegay inay nasiib darada ugu xun ay tahay in gaaladu NABIGA {NNKH} oo ahaa mid ka badbaadinaya naarta ay ugu abaal gudaan inay u gafaan oo ay xanuunjiyaan quluubta Muslimiinta, balse ay tallaabo muuqata qaadi doonaan shacabka muslimka ah cid walba oo wax ka sheegta Rasuulkeena (NNKH).

“NABIGEENA MUXAMAD {Sallalaahu Calayhi Wasallam} ALLAAH {SWT} baa kaga filan kuwa is leh waxbaad u dhimi kartaana wax haba yaraatee ay u dhimayaan ma jirto, waayo Ahlu Samaa wal Arli ayaa laga amaanaa NABIGA, balse ha ogaadaan in Balaayiin Mulimiin ah oo caalamka daafihiisa kala jooga ay difaaci doonaan Sharafta iyo Karaamada saraysa ee NABIGEENA {SCW}” ayuu sawt dheer ku yiri Sheekh Cabdalla Ibraahim oo indhihiisa ay ilin buuxisay sida uu uga qiirooday gafka lagu hayo Rasuulka awgeed.

Waxa uu Sh. Cabdalla carabka ku dhuftay in la dilo hadii ay gacanteena gaarayso kuwa u gafay NABIGEENA MUXAMAD {S.W.C} hadii kalana qalbiga laga habaaro oo kacdoon laga sameeyo filimkaasi foosha xun ee ay sameeyeen aktaro Maraykan ah, si loo muujiyo inay muslimiinta sii wadi doonaa daafaca Diinteena Muqadaska ah ee Islaamka iyo sharafka Suubanaheena MUXAMAD {SALAWAATU-LLAAHI WA SALAAMUHUU CALAYH}.

“Maanta booska raggii Difaaci jiray NABIGEENA MUXAMAD {SALAWAATU-LLAAHI WA SALAAMUHUU CALAYH} anaga ayaa joogna, balse halkii aan u istaagi laheyn buuxinta booskaasi saxaabada anaga ayaaba iskusoo jeesanay oo kala qoqoban, taa badalkeedana walaalayaal waa inaan carradeena muujinaa oo aan difaacnaa sharafta NABIGEENA, islamarkaana aan faafinaa sunooyinkiisa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Sheekha.

Hadalka Sheekh Cabdalla Ibraahim oo ka mid ah Mashaa’iiqda ugu caansan Soomaalida, ayaa kusoo beegmaya xilli caalamul-islaam ay ruxayaan dibadbaxyo kacdoon ah oo lagu bartilmaameedsanayo qunsuliyadaha uu Maraykanku ku leeyhay dalalka Islaamka gaar ahaan Bariga Dhexe, iyadoo shacabka Liibiya ay ka taqaluseen Danjirihii Maraykanka ee dalkaasi iyo tiro kale oo Maraykan ahaa, halka Qaahiraha ay weli arintu ka qurunsan tahay maalintii 3aad.

C/risaaq C/laahi IndhaJaceyl
Cape Town, South Africa
Email : daauus1@gmail.com


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments