By: Mastar //  Sep 14 2012 at 4:58 pm //  1,896 Reads  // Wararka Somalia

Dowladda Maraykanka oo si rasmi ah u shaacisay in Somaliya ay kula dagaalameyso kuwa ka soo horjeeda Dowladda

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xoghayaha Difaaca Mareynkanka oo ka hadlayay Xaflada lagu maamuusayay Sanad guuradii ka soo wareegatay Xilligii Weerarka lagu qaaday Daarihii dhaadheeraa ee Mareynkanka 11-9-2001xilligaasi wixii ka danbeeyay murugo iyo walaac ayaa la soo darsay Shacabka Reer Mareynkan.

Leon Baneti Xoghayaha Difaaca Mareynkanka oo Sharaxaad ka bixinayay Erayga Al-qaa’ida ayaa waxa uu ku Micneeyay koox Islaamiyiin ah xagjir ah oo uu aasaasay hogaamiyihii Geeriyooday ee Osaama Binlaadin,

Xoghayaha Difaaca Mareynkanka oo ku dheeraaday ka hadalka dhibaatada ay leeyihiin kooxda Al-qaa’ida ayaa sheegay in Ururweynaha Al-qaaida uu caqabad ku yahay Aduunka oo dhan islamarkaan waxa uu sheegay in loo baahan yahay in a iska difaaco oo aan laga seexan qatarta ay leedahay.

waxaan gabi ahaanba Majaxaabinay qorshahoodii guracnaa ee ku aadanaa weerarada Argagixiso oo la mid ah 11-9-2001 ay ku qaadeen Mareynkanka, Ciidamadeynu wali waxa ay ka Dagaalamayaan Dalk Afghanistan,waan sii wadeynaa ka Dagaalanka Yemen, Soomaliya Waqooyiga Africa,waxa sidaasi yiri Leon Baneti oo ah Xoghayaha Difaaca Mareynka.

Hadalkaan ka soo baxay Mareynkanka ayaa ku soo aadaya Xilli maalmo ka hor ay ku beegneyd marKii la Burburiyay daarihii dhaadheeraa ee ku yeelay Dalka Mareynkanka gaar ahaan New York, Mareynkanka oo arintaasi ka careysan ayaa soo saaray Filmo Aflagaado ah taasi oo kicisay Dareenka Shacuubta fara badan oo wadamada islaamka ku sugan kuwaasi oo wada dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan arintaasi Aflagaadada ee loo geystay Nabigeena Mohamed( NNKH)


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments