Al Shabaab oo ka hadashay dumar ay Ciidamadda Dowladda ku kufsadeen Magaalada Marka
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay si kulul ay uga hadashay dumar ay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ku kufsadeen Magaalada Marka, oo ay xilligaan gacanta ugu jirto Dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, oo la-hadlay Warbaahinta afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha, ayaa wuxuu si kulul uu ugu weeraray Ciidamadda Dowladda.
Wuxuu sheegay in kuwa ay lee-yihiin buu yiri Ciidamadda Dowladda ay yihiin cadow loo-soo diray shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu sheegay inay dhibaatooyin daran ay ku hayaan dumarka.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in markii Xarakada Al Shabaab ay joogtay Magaalada Marka aan dumarka lagu kufsan jirin, laakiin markii ay qabsadeen Ciidamadda Dowladda Somaliya ayaa wuxuu sheegay in dumarka lagu fara xumeynaayo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay dib ugu soo noqon doonto Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose, oo seddex isbuuc kahor looga qabsaday dagaal la’aan.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Marka ayaa wuxuu ugu baaqay inay taageeraan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo dib Magaalada Marka uga saaraayo buu yiri cadowga idinku soo duulay.
|
|


Print
