By: Mastar //  Sep 14 2012 at 4:18 pm //  1,110 Reads  // Wararka Somalia

Tababaraha Arsenal oo sheegay in Sagna uu iskaga taggi karo kooxda Arsenal

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Wenger Macalinka kooxda Arsenal ayaa si kulul jawaab ugu keenay hadal uu ku hadlay daafaca dambeedka midig Arsenal Bacary Sagna.

Arsene Wenger ayaa si cad oo kaleex leexad lahayn waxaa uu u qeexay in Bacary Sagna uu kooxda katagi karo hadii uusan jeclayn kooxda.

Gunners Ciyaaryahankeeda Daafaca Sagna ayaa ka maqnaa Arsenal todobaadkii hore.

Bacary Sagna ayaa ku eedeeyay Arsenal inay ku qaldanayd siidaynta Ciyaaryahanadii ugu dambeeyay ee Arsenal ay fasaxday sida Alex Song iyo Van persie.

Wenger ayaa u sheegay Shaqaalaha iyo Ciyaaryahanada kooxda inaysan soo fara gishan Karin howlihiisa shaqada sida waxaa uu keenaya iyo waxaa uu fasaxayo intaba.

Arsene Wenger ayaa u sheegay Sagna hadii uusan ku qanacsanayn Arsenal inuu Albaabka u furanyahay.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments